Ganacsade lagu dilay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Koox hubeysan ayaa xalay magaaladda Boosaaso, ee caasimadda gobolka Bari ku dishay nin dhalinyaro ah oo u shaqeeya shirkad Ganacsi. 

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in rag ku hubeysan qori AK47 toogasho ku dileen Ganacsade Salaad Cabdi Cukaasha, xilli ay damceen iney baartaan waxaana  dilkiisa uu  ka dhacay xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladda Boosaaso.

Allah ha u naxariistee Salaad Cabdi ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu Dhalib, oo uu kusoo tukaday salaadii Cishaha, sida ay GO u sheegeen dad isaga xilligaasi la socday.

Marxuumka ayaa xisaabiye ka ahaa Shirkadda Ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Dableyda oo ka baxsatey goobta markii hore ayaa sida warsidaha GO ka ogaadey laamaha amniga gobolka waxaa ciidamada Booliiska u suurgashay iney soo qabtaan nin kamid ah kooxdii dilka gaysatey  iyo qorigii ay fal dambiyeedka ku galeen.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyey soo hagaagayey kadib markii ciidamo amni ee xoogan ee uu hogaaminayo Taliyaha booliiska Puntland gaareen xarunta ganacsiga Puntland.

Bishan aan ku gudaha jirno afarteeda - Febuary 4, 2019 waxaa Boosaaso lagu dhex dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii Shirkadda P&O ports ee Dekadda, iyadoo dilkiisana raggii fuliyay oo labo ahaa lagu dilay toogasho.

Paul Anthony Formosa oo kasoo jeeday Malta ayaa dilkiisa waxaa cambaareeyay Madaxweyne Saciid Deni, oo ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah horumarka dhaqaale ee Puntland.

Amniga magaaladda ayaa faraha ka baxey kadib markii Dowladii uu hogaaminayey Gaas dayacdey iney xoojiso nabad galyada xarunta ganacsiga Puntland taasoo sababtey in kooxaha Al Shabaab iyo Daacish xoog ku yeeshaan gudaha magaalada Boosaaso kuwaasoo bilaabey iney Baad ka qaadaan ganacsatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM