​Ganacsade lagu dilay magaalada Bosaso

Image

BOSASO- War hadda naga soo gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhaweyd la dilay ganacsade lagu magacaabo Xirsi Addunyo, waxaana dilka gaystay rag aan haybtood lagaran oo goobta ka baxsaday. 

Dilka oo ka dhacay hotelka Karama Bosaso, ayaa yimi xilli shalay magalada ka dhaceen rabashado sababay dhimasho iyo dhaawac taasoo markii dambe dhalisay in ciidamada ammaanka weeraraan guriga gudoomiyihii hore Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, kaasoo dowladdu ku dhaliishay inuu ku lug lahaa qalalaasah ka dhacay xarunta gobolka Bari. 

Balse, xaaladda ayaa maanta daganayd waxaana socday waan waan lagusoo afjarayo khilaafka keenay cabashada dadweynaha, waxaana kulamo usocdeen waxgaradka qabiilka uu kasoo jeedo gudoomiyihii hore gobolka Bari iyo Madaxweyne Gaas. 

Ganacsadaha la dilay ayaa waxuu qaraabo dhaw la ahaa madaxweynaha Puntland, wuxuuna kusoo beegmay dilkiisu xilli waxgaradka Gallan iyo madaxweynuhu shir uga socday xarunta madaxtooyada Bosaso. 

Lama oga in dilkaasi la xiriiro rabshadii magalada shalay ka dhacday iyo in kale, balse waxaa socda sidaan ku helayno warar hordhac ah baaritaano lagu xaqiijinayo qaabka dilkaasi u dhacay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM