Ganacsade lagu dilay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dishay nin kamid ahaa ganacsatada yar yar.

Dilka ninkan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee dowladda hoose ee magaalada Bosaso.

Kooxihii dilka gaystay oo aan ilaa hadda tiradooda la aqoon ayaa goobta ka fakaday.

Waxay ku hubaysnaayeen Bastoolado kuwaasoo goobta ka fakaday dilka kadib.

Majirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay laamaha ammaanka gobolka Bari.

Ganacsadaha la dlay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax.

Lama oga sababta loo dilay, balse kiiskan ayaa qayb ka ah kuwo ka dhacayay magaalada Bosaso muddooyinkii dambe.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka ninkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM