Ganacsatada oo soo dhoweeyey heshiis dhex maray PL iyo Jabuuti

Image
Image
Image
Image

March 31, 2015 (GO)- Ganacsatada Puntland ayaa soo dhoweeyey heshiis ganacsi oo dhowaan ay kala saxiixdeen dowladaha Puntland iyo Jabuuti.

Kulan ka dhacay maanta xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland ee magaalada Bosaso ayaa heshiiskaas lagu taageeray.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde, Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo tobannaan ganacsato ah ayaa kulanka kasoo qayb galay.

Ganacsatada qaar kamid ah oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tallaabo kasta oo dowladdu qaaddo taasoo qayb ka qaadaneysa horumarinta ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha.

Wafdi uu hoggaaminyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo bishan horraanteedii booqasho ku tegey dalka Jabuuti ayaa heshiis ganacsi oo dhinacyo badan leh lasoo saxiixdey dowladda Jabuuti.

Heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa in ganacsatada Puntland badeecooyinkooda oo kunteenaro ku jira kala soo degaan dekedaha dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM