Ganacsatada oo soo dhoweeyey heshiis dhex maray PL iyo Jabuuti

Image
Image
Image
Image

March 31, 2015 (GO)- Ganacsatada Puntland ayaa soo dhoweeyey heshiis ganacsi oo dhowaan ay kala saxiixdeen dowladaha Puntland iyo Jabuuti.

Kulan ka dhacay maanta xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland ee magaalada Bosaso ayaa heshiiskaas lagu taageeray.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde, Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo tobannaan ganacsato ah ayaa kulanka kasoo qayb galay.

Ganacsatada qaar kamid ah oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tallaabo kasta oo dowladdu qaaddo taasoo qayb ka qaadaneysa horumarinta ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha.

Wafdi uu hoggaaminyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo bishan horraanteedii booqasho ku tegey dalka Jabuuti ayaa heshiis ganacsi oo dhinacyo badan leh lasoo saxiixdey dowladda Jabuuti.

Heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa in ganacsatada Puntland badeecooyinkooda oo kunteenaro ku jira kala soo degaan dekedaha dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM