Ganacsato ka tirsan shirkadaha dhismaha Puntland oo weerar u gaystey Wariye Horseedmedia

Image

GAROWE, Puntland- Ganacsato ka tirsan Shirkadaha qandaraasyada dhismaha Puntland ayaa weerar isugu jira gacan ka hadal iyo handaad u gaystey suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar dheere), oo ah wariye ka tirsan website Horseedmedia sidaas waxaa ogaadey warsidaha GAROWEONLINE. 

Wariyaha mareegtaan ayaa kamid ah saxafiyiinta Mareegaha wax ka qorey musuqmaasuq la xiriirinayo sida loo bixinayo qandaraaska Mashruuca dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo kaasoo maalgalintiisa bixineyso wadamada Midowga Yurub.

Ganacsatada weerarka gacan ka hadalka iyo hanjabaada isugu jirta u gaystey wariyahaan ayaa waxay kamid yihiin shirkadaha u tartamayey qandaraaskaan kuwasoo kala ah Ganacsade John Yardi iyo Gaar Yaasin Axmad. John Yardi Warsame Qorax ayaa iska leh shirkada Al-Bashat halka ganacsade Gaar Yasiin leeyahay shirkada dhismaha ee la yiraado ILGAR.

 “Maalintii Isniintii 28 Nofeember 2016, saacadu markay ahayd abaarihii 12:00 duhurnimo ayaa waxaa weerar hanjabaad iyo gacan ka hadal igu soo qaaday Ganacsade John Yardi Warsame Qorax, anigoo xiligaas marayay Wadada ka dambaysay Garoonka ciyaaraha ee magaaladda Garoowe” ayuu yiri Tafatire Cumar Dheere oo khadka taleefanka kula hadlay Garowe Online.

Wariyaha website Horseedmedia oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Ganacsade John Yardi oo Wata baabuur Mark II, oo uu weheliyo Nin kale oo aanan magaciisa Garanayn, ayaa i dhaafay, kadibna wuu istaagay, baabuurka ayuuna dib u soo celiyay, wuxuuna iigu yeeray magacayga, kadibna baabuurka ayuu ka soo degay. wuxuu iigu hanjabay inuu i dilayo, ka dibna wuxuu Wajiga dhinaca bidix igaga dhuftay Feer, waxaana qabtay oo dajiyay, oo baabuurka ku celiyay ninkii kale ee La socday”   

Suxufi Cumar waxaa kaloo uu  sheegay in Labaatan daqiiqo kadib weerarkii gacan qaadka, in nin kale oo ganacsade ah oo lagu magacaabo Gaar Yaasiin taleefan uu soo diray ugu hanjabay inuu toddobo xabo ku dhufanayo.

 “Abaarihii saacadu markay ahayd 12:25 duhurnimo, Waxaa Telefoonka Lambarkiisu yahay 0907794696, iga soo wacay Gaar Yaasiin Axmed oo ah mulkiilaha shirkada Dhismaha ee ILGAR waxaana uu i waydiiyay goobta iyo meesha aan ku suganahay, wuxuuna iigu hanjabay in Toddobo Xabo igu dhufanayo, islamarkaana ii soo dirayo  dhalinyaro Madaxa iga toogata” ayuu yiri Cumar Dheere isaga oo ka hadlaya hanjabaada loo gaystey.

Wariyaha la weeraray ayaa warsidaha GO u sheegey in labada Ganacsade ka caraysnaayeen maqaal ku soo baxay 18 Nov, 2016 website Horseedmedia iyo qaar ka mid ah Mareegaha Soomaalida kaasi oo ka hadlay musuqmaasuqa Qandaraasyadda Puntland.  

“Ma garanayo sababta ay labadaas Nin ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin ii soo weerareen, Hanjabaada dilka  ah iyo Gacan ka hadalkana ay iila soo bareereen" ayuu yiri wariye Cumar Dheere.

Dhinaca kale wararka warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in weerarka loo gaystey saxafigaan ku beegan yahay xilli ay soo baxayeen in hay'ada GIZ Germany bilowdey baaritaano ku saabsan inuu jiro musuqmaasuq la xiriira Mashruuca dhismaha Jiddka isku xira magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

Cumar Siciid Maxamed (Cumar dheere) oo ah suxufi ku shaqaysta mihnada saxaafadda, muddo 15 sanno ah isagoo u adeegayey shacabka Puntland ayaa hay'adaha amniga ogeysiiyey in amaankiisu khatar ku jiro halka dhinaca kale uu wargaliyey howlwadeenada ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP.

Maamulka iyo wariyeyaasha website GO ayaa cambaareynaya weerarkaan iyo hanjabaada loo gaystey wariye Cumar Dheera waxaana ka codsaneynaa in dhamaan hay'adaha ku shaqo leh amniga Puntland talaabo ka qaadaan falkaan halka dhinaca kale ururka MAP ka shaqeeyo in dhacdadaan markale dib u dhicin kalana xisaabtamo laamaha dowlada ee ku shaqo leh.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM