Ganacsiga Puntland oo hoos u dhacay [Dhagayso]
08 November, 2015(GO)-Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Badda Puntland Cabdulaahi Jaamac Saalax, ayaa sheegay inuu hoos u dhacay ganacsiga Puntland, ka dib duufaanta Chapal oo ku dhufatay xeebaha Puntland.
Wasiirka, ayaa xusay inaysan muddooyinkii dambe jirin wax doonyo ah oo yimi dekedda Bosaso cabsi laga qabay duufanta ka dhacaysay xeebaha Puntland iyo Yemen, taasina saamaysay dhammaan ganacsiga Puntland.
Waxa uu sheegay inay ka digeen duufaanta MEGH, oo la saadaaliyay inay ka dhacayso geeska Africa, iyo waddmada dhaca badweynta Hindia.
Arrimo kale oo ku saabsan xaaladda gacansiga iyo mashaariicda Puntland ka socda, ayaa wasiirku ka hadlay.
GAROWEONLINE