Garaad Ciid oo ka hadlay khilaafka masuuliyiinta DFS

Image

October 30, 2014 (GO)- Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay inuu gardaro wado madaxwaynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Ciid ayaa sheegay sharci inuu u lee yahay wasiirka koowaad ee Somalia inuu isku shaadheyn ku sameeyay gollihiisa wasiiradda maadama uu masuul ka yahay howlaha gollaha fulinta,dastuurka dalkuna uu awood u siinayo.

''Madaxwaynuhu intuu war saxaafadeed soo saaro inuu yiraahdo waxba kama jiraan af madaxwayne ma ahan, waa afsuuqi, marka isagaa gardaran wixii xal iyo xurmo ah waa gaarkeeda, balse arrintaasi sidaa ah isagaa ku garsadan'' Cadilaahi Cali Ciid ayaa sidaasi yiri xili uu waraysi siinayay Radio Garowe.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay khilaafka inta badan ka dhex bilowda masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka inuu salka ku hayo qabyaalad iyo nin jeclaysi.

''Khilaafkooda inta badan soo noqda wax sharciyad ku fadhiya ma ahan, waa qabyaalad iyo nin jeclaysi iyo kooxo kooxeyn, mana ahayn mid dadka,dalka iyo dowladnimadda dani ugu jirtaa ma ahan, laakiin arrinta caynkaas ah oo sharci la isku qabto waxaa lagu kala saaraa maxkamadda Dastuuriga ah mana jirto''.

Khilaafka madaxwaynaha iyo Ra'iisul Wasaraha ayaa sii xoogaystay ka dib markii Cabdiwali Shiikh Axmed uu isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyadoona uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Xasan Shiikh Maxamuud.

Docda kale wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa sheegay khilaafka Villa Somalia ka taagan inuu dhaawac ku yahay dadaaladda iyo hormarka dalka ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM