Garaad Saleebaan Garaad Maxamad oo diidey shirkii ka dhacey Awr-boogeys [ DAAWO]

Image

ABU DHABI- Garaad Saleebaan Garaad Maxamad oo ah madax dhaqameedka ugu sareeya beesha Maxamuud Bari ayaa war uu kasoo saarey kulan maamulka Somaliland beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe ugu qabtey degaanka Awr-bogeeys ku sheegey in kulankaas uusan ka warqabin islamarkaana aysan jirin cid matali karta.

Warsaxafdeedkaan oo ku soo baxay muuqaal ayaa Garaad Saleebaan oo dalka Imiraadka Carabta u joogey wayadii ugu dambeysay xaalad caafimaad waxaa kala qayb galey Jaaliyada dhulbahante ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Qoraal ka kooban sideed qodob oo halkaas laga akhriyey ayaa waxaa cambaareyn kulul loogu jeediyey ergadii ka qayb gashey kulankaas iyo cuqaashii kuwasoo lagu sheegey iney lacago ka qaateen maamulka Somaliland.

Hadalka Garaadka iyo Jaaliyada Imaraadka ayaa inta uu socdey ayaan lagu soo hadal qaadin kamid ahaanshaha beesha ee maamulka Puntland iyo in beeshu ka tirsan tahay beelihii qaybta ka ahaa dhismahiisa.

Dowlada Puntland qaybaheeda kala duwan ayaa weli kulankaas sidoo kale ka hadlin islamarkaana xubnaha siyaasada ee kasoo jeeda goboladaan kama aysan soo saarin hadal ku Aadan diidamada ama ogolaashada kulankaan.

DAAWO WARSAXAFDEEDKA GARAAD SALEEBAAN KASOO SAAREY KULANKA AWR-BOOGEYS

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM