Garoon casri ah oo magalada Garowe laga hirgaliyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa laga hirgaliyay markii labaad garoon qaab casri ah u dhisan oo lagu ciyaaro kubadda cagta iyo tan gacanta.

Garoonkan ayaa lagu magacaabaa Classic Stadium & Fitness Center waxana hirgaliyay Axmed Jaamac Jowle oo ka mid ah ganacsatadda Puntland.

Furitaanka xaruntan waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland, Afhayeenka Baarlamaanka, wasiiro iyo xildhibaano, waxana xariga ka jaray Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay.

Mulkiilaha xaruntan Axmed Jowle ayaa sheegay xaruntan inay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah kubadda cagta, tan gacanta iyo xarun lagu jimicsado oo uu ku dhan yahay qalabkii.

Waxa uu Jowle tilmaamay barnaamijkan inuu qayb ka yahay hormarinta Sports-ka Puntland iyo dhiirigalinta xirfad-leyda ciyaar toyda ah, wuxuna ugu baaqay dhalinyaradda inay ka faa'iidaystaan.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa boggaadiyay Axmed Jowle iyo kooxdiisa sida wanaagsan ee ay go'an tahay hormarinta caasumadda, ganacsatadda kale ayuu ugu baaqay inay ku daydaan tilaabadda uu Axmed Jowle qaaday.

In ka badan 80-kun oo doolar ayaa gashay dhismaha iyo qalabeynta xaruntan, waana tii labaad oo laga hirgaliyo magalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM