Garoonka diyaaradaha Garoowe oo xarigga laga jarayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa goordhow xariga laga jari doonaa, balse waxaa hadda gudaha madaarka ku sugan, mas'uuliyiin, marti, xubno ka socda hay'adaha caalamiga ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Hool KMG ah oo laga sameeyay Garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa xafladdu ka socota, waxaana lagu wadaa inay goordhow soo gaaraan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale waxaa garoonka soo gaaray wufuud kala duwan oo la sheegay inay ka socdaan waddamada dariska ah. Garoonka ayaa dhismahiisu qabyo yahay, balse waxaa xarigga looga jari doonaa si KMG ah. Waa Madaarkii 2aad ee casri ah oo Puntland laga dhiso, waxaana xarig jarkiisa lagusoo beegay xilli xukuumadda hadda talada haysa ay caawa u dabaal dagi doonto 4 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay qabatay hogaaminta maamulkan. GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM