Garoonka diyardaha Galkacayo oo lagu wareejinayo AMISOM

Image

Talaado, September 30,2014 [GO]- Warar laga helayo ila lagu kalsoon yahay ee ku sugan Muqdishu ayaa  GO u sheegey in dowlada Federaalka gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka dambeeyey murankii dhowaan ka dhashey garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdid ayaa khilaafkaan daaha ka qaadey markii uu ku sugnaa magaalada Muqdishu isagoo sheegey iney dacwo ka yihiin dowladda Puntland kadib markii loo diidey isticmaalka garoonka diyaardaha Galkacayo.

Murankaan oo sababey in heegan la galiyo ciidamada Puntland ayaa dowladda Federaalka ku dhawaaqdey iney dhexdhexaadineyso dhinacyada isku-haya isticmaalka garoonkaan diyaardaha.

Xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka iyo Cabdi Qaybdiid ayaa is-ku og sida wararkaan xusayaan in maamulka garoonkaan lagu wareejiyo ciidamada AMISOM taasoo ah qodobka kaliya ay miiska soo saari doonaan  maamulka Galmudug marka wadahadalka labada dhinac uu bilowdo maalmaha soo socda.

Wasiirka duulista iyo hawada dowladda Federaalka Siciid Qoorsheel ayaa la filayaa inuu dhowaan booqasho ku yimaado magaalada Galkacayo halkaasoo la sheegey iney ka bilaami doonaan wadahadal u dhexeeya labada dhinac.

Dhinaca kale xoogtaan ayaa daaha ka qaadeysa iney muranka maamulka Cabdi Qaybdiid galiyey isticmaalka garoonka diyaardaha Galkacyo uu salka ku hayo khilaafkii horey uga bilowdey diidmadii dowladda Puntland ee ku aadaneyd dhismaha maamul ka kooban gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada dhexe ee Somalia iyo xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa ka shaqeynaya sidii muran loo galin lahaa in magaalada Galkacayo noqoto goob dowlada Puntland ka arrimiso galigeed iyadoo taas loo soo marayo muranka garoonka diyaardaha. 

Dowladda Federaalka oo la filayo sida xogtaan sheegeyso iney ku dhexdhexaadiso dowlada Puntland iyo maamulka Cabdi Qaybdiid in  garoonka diyadaha Galkacayo lagu wareejiyo ciidamada AMSOM ayaan la aqoon go'aanka xukuumada Gaas ka qaadan doonto.

Xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhowaan sheegtey iney xiriirka u jartey dowlada Federaalka iyadoo dalbatey in muddo Sodon cisho gudahood lagu dhexdhexadiyo kulan beesha caalamka goob joog tahay.

Dowlada Federaalka ayaan talaabo ka qaadin dalabkaas khatarta galin kara midnimada Somalia iyadoo wararku sheegayaan inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxda sare ee Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM