Garoonka Garoowe oo loo baxshay General Maxamed Abshir [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, ayaa si wadajir ah u daah furay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo baxshay, General Maxamed Abshir.

Maxamed Abshir oo sannadkii hore geeriyooday ayaa noqday taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, kaasoo lagu xasuusto dhismaha ciidankaas, doorkii uu ku lahaa nabadaynta iyo dowladnimada waddanka.

Xafladda Daah furka ayaa hadda ka socotay isla garoonka dhexdiisa, waxaana ku sugan wufuud ka socota dalalka Ethoipia iyo Jabuuti.

Shirkadda dhisay garoonka oo ah mid laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegtay in garoonkan dhismihiisa guul laga gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM