Garoowe: Dowladda hoose oo hagaajinaysa Suuqa Injida

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa saaka bilowday qorshe ay ku hagaajinayso wajahada hore ee suuq weynaha Injida kaasoo ay si weyn uga tukaamaystaan shacabka caasimadda Puntland.

Suuqaan ayaa nadaafad darro baahsan soo wajahdaa xilli roobaadka iyadoo ay fariistaan biyaha xilli ay ka jirto saxmad xooggan.

Dowladda hose ayaa saaka fulisay howlgal bannayn ah iyadoo cafag la galiyay dhammaan waxyaabihii ka horeeyay suuqa, waxaana la sheegay in shub laga dhigi doono si aysan biyuhu u fariisan.

Howlgalkan oo bilowday xilli muddo kooban uu joogo Guddoomiyaha cusub ee degmada, Axmed Ayax, oo kulamo joogta ah la qaadanayay bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal uu ku dar-dargalinayo bilicda magaalada.

Xoghayaha dowladda hoose oo saaka ka hadlayay howlgalka ka bilowday suuqa Injida ayaa sheegay inuu qaadan doono dayactirkan iyo hagaajinta afaafka hore ee suuqa muddo Asbuuc ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay gacan ka siiyaan sidii howshaas loo fulin lahaa.

Dhinaca kale, Maayarka cusub ayaa dhawaan sheegay in mudada uu joogo ka shaqayn doono hormarka magaalada, wuxuuna isla todobaadkan $20.000 oo dollar ugu deeqay guddiga loo xilsaaray dhaqaale aruurinta garoonka Mire Awaaare.

Isla todobaadkan olole nadaafadeed ayaa dowladda hoose ka samaysay magaalada Garoowe, waxaana tallaabooyinka imaanayaan xilli lagu guda jiro Waqti roobaadka Gu’ga.

Duqa degmada Garoowe, ayaa haysta muddo 45 cisho ah oo ka horaysay inta laga helayo gole deegaan oo rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM