Garowe: ammaanka gobolka Nugaal oo laga shirey

Image

February 11, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay shir looga hadlay amaanka iyo horumarinta gobolka Nugaal. Shirka oo gogoshiisa maamulka gobolku dhigey, waxaa kasoo qayb galay isimmo, nabadoono, aqoonyahan iyo culimaa'uddiin.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-axmed oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka, wuxuu sheegay in ujeedada loo soo qaban qaabiyey tahay sidii laysaga kashan lahaa xoojinta nabadgelyada islamarkaana isimada iyo waxgaradku arintaas taladooda ugu biirin lahaayeen.

Xildhibaan Maxmed Faarax Nuur oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa isna sheegay in shacabka iyo dawladaba sugidda ammaanka mas'uuliyadi ka saaran tahay ayna soo dhawaynayaan shirarka caynkan ah ee uu maamulku qabanayo.

Qaar kamid ah nabadoonada gobolka oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa walaac ka muujiyey mushahar la'aanta shaqaalaha iyo shaqo joojintii dhowaan shaqaalaha hay'adaha garsoorku sameeyeen.

Nabadoonadu waxay sheegeen in ay khasab tahay shaqaalaha dowladu inay mushaharaadkooda helaan gaar ahaan ciidamada ammaanka, maadaama haddii ay xuquuqdooda waayaan ay adag tahay inay si hagar la'aan ah u shaqeeyaan.

ISlaan Ciise Islaan Maxamed oo ugu dambeyntii kulanka soo xirey, ayaa kula dardaarmay dowlada iyo bulshadaba inay si dhow u wada shaqeeyaan islamaarkaana layska kaashado wax kasta oo maslaxadda umadu ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM