Garowe: booliska oo sameeyey hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo

Image

November 25, 2014  (GO)- Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal oo u waramay Radio Garowe ayaa ka warbixiyey hawlgalo amniga lagu adkaynayo oo boolisku ka sameeyeen magaalo madaxda Puntland Garowe.

G/sare Axmed Cabdilaahi Samatar (Layli) ayaa sheegay in hawgalladaas lagu soo qabqabtey toabanaan dhallinyaro ah oo falal ammaanka liddi ku ah magaalada ka wadey kuwaasoo xilliyada qaar iyagoo kooxo ah dagaalama.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Nugaal ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono xarumaha ciidanka booliska gobolka Nugaal islamarkaana la tayeyn doono hoggaanka ciidamada.

Dhanka kale taliyaha ayaa dhalinyarada ku booriyey inay ammaanka kala shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada isagoo intaas raaciyey inay soo dhawaynayaan dhalinyarada hadii ay doonayaan inay ciidamada kusoo biiraan.

Ugu dambayntii Axmed Cabdilaahi Samatar ayaa sheegay in awaamiir laga soo saaray gaadiid ku xaraysan xarunta taliska booliska isagoo ugu baaqay dadka gaadiidkaas iska leh inay sida ugu dhaqsaha badan halkaas ugala baxaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM