​Garowe: Camay oo xarigga ka jaray xarun ganacsi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa galinkii dambe maanta [16 May, 2016], xarigga ka jaray xarun ganacsi oo cusub taasi oo laga furay magalada Garowe.

Xarunta oo lagu magacaabo Olompic Mall, waxaa hirgaliyay ganacsade Cabdullaahi Xirsi Axmed (Shiino), waxayna isugu jirtaa qaybo kala duwan, iyadoo furitaankeedii kasoo qayb galeen maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe, mas'uuliyiin, ganacsato, dhalinyaro iyo haween.

Ganacsate Cabdullaahi Shiino, ayaa sharaxaad ka bixiyay qaybaha Mall-ku ka koobanyahay, wuxuuna sheegay inuu  isugu jiro; qaybta dharka, kabaha, udugga, shoobinka iyo mac-macaanka, isagoo sababta uu u yagleelay ku tilmaamay qaabkii uu bulshada caasumadda uga haqabtiri lahaa adeegyo ka kaafiya baahiyahooda.

Shacabka Puntland ee dhaqaalaha haysta ayuu ugu baaqay inay dalka maalgashadaan islamarkaana dhaqaalahooda ku kharash garayn waddamo shisheeye, wuxuuna usoo jeediyay in waddanka fursado badan ka bannaanyihiin kuwaasi oo u baahan in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub.

Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa soo dhaweeyay xaruntan la furay, waxayna ugu baaqeen mulkiilaha inuu goobo kale oo ganacsi ka sameeyo gobolka Nugal.

Hormarka caasumadda ayay sheegeen inay ka qayb qaadanayso, iyagoo dhinaca kale tilmaamay inay shaqo abuur u noqonayso dhalinyarada islamarkaana dhiiri galinayso in dalka la maalgashado.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa xusay in Olompic Mall ay tahay xarun qaab wanaagsan loo cammiray islamarkaan loo nakhshadeeyay, isagoo xusay inay tahay wax lagu farxo goobaha ganacsi ee kusoo badanaya magalada Garowe.

Mulkiilaha xarunta iska leh ayuu ku ammaanay fikradda cusub ee uu la yimi, wuxuuna ugu baaqay inay noqoto mid waqti kasta sidaan oo kale u cammiran, balse aysan noqon mid furitaanka kaliya ku ekaata.

Mall-kan cusub ayaa ku biiraya kuwa kale oo horay looga furay magaalo madaxda Puntland taasi oo muddooyinkii dambe ku tallaabsanaysay hormarro baaxad lahe, waxaa mulkiilaha Olombic Mall horay uga hirgaliyay Garowe goobo ganacsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM