​Garowe: Dadka oo Ciidul-fidriga u diyaar garoobaya

Image

GAROWE, Puntland- Diyaar garow xoog leh ayaa laga dareemaya dhammaan deegaanada Puntland gaar ahaan caasumadda Garowe, taasoo ku aadan Munaasabadda Ciidul-fidriga oo loo saadaalinayo inay noqoto maalmaha Axadda ama Isniinta.

Wariyaha Garowe Online ee Garowe, oo saaka booqday goobaha ganacsiga iyo waddooyinka waaweyn ee caasumadda Puntland, ayaa kusoo waramaya in magaaladu ku jirto jawi ka badalan kuwii hore.

“Runtii saxmad xoog leh ayaa laga dareemayaa caasumadda Puntland, waxaana muuqata inay isugu yimaadeen bulsho kala duwan oo ka kala yimid magaalooyinka, kuwaasoo isugu jira qaar alaabo usoo raadsaday iyo kuwo doonay inay halkan ku ciidaan,” Ayuu yiri Wariyaha Garowe Online ee magaalada Garowe.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in sannadkan iyo kii hore farqi xoog leh u dhaxeeyo gaar ahaan kororka Mujtamaca iyo magaalada.

“Dabcan sannadkan iyo kii hore waxaad moodaa inuu farqi u dhaxeeyo inkastoo xilliyadan oo kale magaalada Garowe noqoto meel dhaq-dhaqaaqa gacansi uu aad u siyaado, hadana waxaa jira in la isaga kala yimid magaalooyinka dalka sida Bosaso oo kale oo dadku usoo xagaa baxeen halkan,” Ayuu hadalkiisa kusoo daray wakiil wareedkeena.

Waxyaabaha xiisaha leh ee kusoo kordhay sannadkan suuqyada Puntland ayaa ah, “Waxaa jirta arrin aad ii soo jiidatay oo runtii u baahan in la xuso, taasi waxa weeye in la xiray waddooyinka gala Suuqa weyn ee loo yaqaano Bacadlayaasha kuwaasoo ay galaan waddooyin inta badan gawaaridu isticmaasho, taasoo dhibaato ku haysay ganacsatada yar yar ee ku tukaamaysta halkaas xilliyadan oo kale, waxaa lagu gooyay Fuustooyin si baabuurto aysan usoo galin mudada lagu guda jiro maalaha Ciida.”

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana socda baaritaano kala duwan oo ay sameynayaa ciidamada ammaanka xilliyada habeenkii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM