Gudoomiyihii hore ee Mudug oo la xirey iyo dowladda oo ka hadashay

Image

Siyaasi C/laahu DhuubaneNovember 26, 2014 (GO)- Ciidamada booliska degmada Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane).

Xaashi ayaa shalay qabtay shiraa'id oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Puntland isagoo dhinaca kale dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo sida uu tilmaamay baal maray balan qaadyadii uu sameeyey xiligii uu murashaxa ahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali oo maanta waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa xaqiijiyey xarigga siyaasi Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane).

Weriye Axmed Cawil oo waraystey ayaa weydiiyey sababta keentay in siyaasigaas xabsiga la dhigo, wuxuuna guddoomiyuhu ku jawaabey in xarigiisu yimid kadib markii uu shaaciyey hadallo xiisad siyaasadeed iyo ammaan darro abuuri kara, halisna ku ah jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa'id ee siyaasiga la xiray uu shalay qabtey:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM