Garowe: isku-shaandheynta golaha wasiirrada oo asbuucan la filayo

Image

June 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadkan gudihiisa isku shaandheyn ku sameyn doona golihiisa wasiirrada.

Wasaaradaha loo badinayo in isku-shaandheyntu saameyn doonto waxaa kamid ah: amniga, maaliyadda, kalluumaysiga, waxbarashada iyo dekedaha.

Siyaasiyiin ay qaarkood  ka qayb galeen doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2014 ayaa la hadal hayaa inay kasoo dhex muuqdaan golaha cusub ee wasiirrada.

Sidoo kale, wararka Garowe Online helayso ayaa intaas ku daraya in xubno ku jirey golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole lagu soo dari doono golaha wasiirrada ee cusub.

Isku-shaandheynta ayaa dhici doonta kahor 15-ka bisha June, markaasoo uu furmi doono kal-fadhiga 35aad ee golaha wakiillada Puntland.

Bishii hore ee May markaasoo qaar kamid ah xildhibaannada baarlammaanku keeneen mooshin ay ku dalbanayeen in lasoo dedejiyo kal-fadhiga baarlammaanka, ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu ballan qaaday inuu is-beddel ku sameyn doono xukuumaddiisa oo lagu dhaleeceeyey waxqabad la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM