Garowe: kulan dhex maraya D. Federaalka, Puntland iyo Jubaland

Image

July 14, 2015 (GO)- Madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa maanta ka bilowday kulan saddex-geesood ah, kaas oo dhex maraya Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Saddexda mas'uul ayaa si guud isula gorfeyn doona xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo weliba is-bedelladii ugu dambeeyey ee dhacay, waxay sidoo kale diiradda saari doonaan xiriirka Dowladda Federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland.

Qodobada kale ee kulankan lagu gorfeyn doono waxaa laga xusi karaa:

  • Heshiisyadii horay u dhexmaray Dowladda Federaalka iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah federaalka.
  • Muranka xuduudka ee Puntland iyo maamulka dhowaan Cadaado lagu dhisay.
  • Khayraadka dabiiciga ah iyo deeqaha caalamka.

Kulankan oo sida qorshuhu yahay soo gaba gaboobi doona maalinta berri ah, wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM