Nidaamka xisbiyada badan oo lagaga hadlayo Garowe xilli Puntland tacsi ku jirto

Image

GAROWE, Puntland- Kulan madaxtooyada Puntland soo qaban qaabisay ayaa saaka waxaa lagu qabanayaa xarunta PDRC kasoo la sheegey in lagaga hadlayo sababta shacabka u furan waayey xisbiyo siyaasdeed oo qayb ka noqda nidaamka madaxweyne Gaas ku dhawaaqey.

Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  ayaa wararku sheegayaan in kulankaan hadal ka jeedin doono iyadoo wararku sheegayaan in kasoo qayb galku aad u hooseeyo.

Kulankaan ayaa la sheegaya in dadka kasoo qayb galey u badan yihiin howlwadeenada dowlada isagoo dhinaca kale ku soo beegmey xilli labo maalmood ka hor dagaal gaadmo ah kooxda Al shabaab ku dishay tuulada Af-urur Askar iyo shacab badan.

Dadka siyaasada gobolka la socda ayaa sheegey in kulankaan PDRC lagu qabanayo maanta uusan waqtigaan munaasab aheyn xilli qaybo kamid ah shacabka Puntland u fadhiyaan tacsida dadkii ku dhintey dagaaladaas.

Nidaamka xisbiyada badan oo dowlada madaxweyne Gaas ku dhawaaqdey ayaa siyasiyiinta iyo shacabka Puntland ka jawaabin madaama u arkayaan in waqtigaan munaasab aheyn Fulintiisa maadaama dowlada iminka talada haysa waqtigeeda uu ka dhiman yahay Hal sano iyo bar Kaliyah.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa ku guuldareysatey in markii talada Puntland la wareegtey nidaamkaan kasii ambaqaado halkii dowladii madaxweyne Farole kaga tagtey.

Dowladii madaxweyne Farole ayaa meel wanaagsan gaarsiisey nidamkaan balse waxaa ka hor yimid siyaasiyiin iyo qabaa'il isku ujeedo ah kuwasoo u arkayey hadii Puntland nidaamka Hal cod Hal qof ka hirgalo ay luminayaan fursadaha qabiil wax ku qaybsiga ee iminka ka jira maamulkaas.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaha iyo waxayaalaha lagaga hadlo kulankaas xilli saxaafada dibada loo saarey markii la furayey kuankaan kadib.

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM