Puntland oo jaan-goysay shilin Soomaaliga

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa jaan-goysay sarifka Doolarka marka la isugu dirayo qaabka telefoonka, sidda uu Axadda maanta ah shaaca ka dhigay Cabdullaahi Cabdi Xirsi, wasiirka ganacsiga iyo warshahadaha.

Xirsi oo warfidiyeenka ugu waramay magaaladda caasimadda ah ee Garowe ayaa ka dhawaajiyey in dadweynaha aysan telefoonada isugu diri karin hal doolar iyo waxyar, isaga oo shirkadaha isgaarsiinta faray in ay dhaqan-geliyaan.

Wasiirka oo meesha ka saarey in dowladda ay joojisay isticmaalka shilin Soomaaliga ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay xoojintiisa.

"Bangiga Dhexe ee Puntland wuxuu halkii Doolar uu ku safiraa 35 kun oo shilin Soomaali ah si uusan shilinka u qiimo dhicin. Dowladda siyaasad fiican ayay ka qaadatay xoojinta, tayeynta iyo isticmaalka shilin Soomaaliga," ayuu yiri.

Ganacsatada iyo dadweynaha ayuu cod dheer ku booriyey in ay qiimo u yeelaan lacagta waddanka si hoos ugu dhaco qiimo-kororka Doolarka Mareykanka.

"Maadaama hadda uu hirgalay go'aankii ahaa in Doolar iyo wax ka yar aan lagu isticmaali karin [mobile money] runtii waxaan u mahadcelineynaa hay'addaha isgaarsiinta oo arrintaa fuliyey wadashaqeyn dhow ayaana dowladda kala dhaxeysa, waxaana isha ku haynaynaa cid kasta oo isku dayda in suuqa ay khalkhalgeliso," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.

Xukuumadda Puntland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay qaadey talaabooyin ay ku xakameyneyso sicir-barar saameeyay sarifka iyo maciishada kaasoo ka dhashay shilin Soomaali badan oo ka yimid koonurta iyo bartamaha waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM