​Garowe: Qiimaha Qaraha oo kor u kacay.

Image

GAROWE- Suuqyda qudaarta magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayaa laga dareemaya sare u kac dhanka maciishadda daruuriga ah gaar ahaan Khudradda cagaaran, waxaana arrintaasi sababay sida naloo sheegay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah haweenka khudradda iibiya ayaa la hadlay Radio Garowe, waxayna sheegeen in qiimaha la kala siisto Qaraha kor u kac ku yimi wixii ka dambeeyay bilashada Bisha Ramadaan, waxayna tilmaameen in qiimaha halkii xabo lakala siisto $7, halka uu awal uu ka marayay $4.

Abshiro Axmed Muuse waxay ka mid tahay haweenka ka ganacsada qudaarta gaar ahaan Qaraha ayaa sheegtay inuu aad qaali u noqday iibka Xab-xabka iyadoo arrintaasi sabab uga dhigtay fatahaadda wabiga Shabeelle ee degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

In kastoo lagu guda jiro bilowga bisha barakaysan (Ramadaan), ayaa Abshiro Axmed, waxay sheegtay in magaalada Garowe uu yimid 1 gaari oo qare ah taasoo keentay in daadad ay dhibaato u gaystaan beerihii uu ka bixi jiray geedka Qaraha.

Arrintan ayaa saamaysay suuqyada Garowe, waxayna haweenku sheegayaa in qiimaha la siinayo ay u saamixi waayeen inay gataan dadka danyarta ah, halka meelaha qaarkood suuqyada Garowe ay adagtahay in laga helo.

Dhinaca kale, waxaa sare u kac ku yimi sarrifka lacagaha qalaad taasoo horay maamulka gobolka Nugaal u sheegay inay xakameeyeen kadib kulan ay la qaateen sariflayaasha caasumadda, waxaana maanta$1 lagu sarrifayaa lacag dhan 23,000Sh, halka gacanta dambe marayo, 24 iyo bar.

Sare u kacan ayaa kusoo beegmay xilli horay dadka danyarta ah uga cowdeen sicir barar ay sababeen lacago lagu daabacay Puntland iyo qaybo kamid ah maamullada dariska la ah, kuwaas oo ku baahay suuqyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM