Garowe: Sarkaalkii ka tirsanaa hay'ada IRC oo xabsiga loo gudbiyey

Image

Nov 20,2015 (GO)- Kadib markii saldhiga magaalada Garowe lagu xirey 18 Nov, 2015 sarkaal u shaqeeya hay'ada IRC ( International Rescue Committee) ee xafiiskeeda magaalada Garowe ayaa wararka ka imaanaya xarigiisa sheegayaan in loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland.

Deeq Maxamuud Xaashi ayaa la xirey kadib markii hanjabaad kaga timid madaxtooyada Puntland uu ku wargaliyey saldhiga Booliska magaalada Garowe.

Xariga sarkaalkaan ayaa yimi kadib markii hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ka biyo diideen amar madaxweynaha Puntland ku siiyey iney la shaqeeyaan guddi u qaabilsan qandaraasyada.

Xabsiga dhexe ayaa loo gudbin karaa sharciyan qofka maxkamada ku xukunto dambi uu galey ama marka loo baqo amaanikiisa kasoo hay'adaha amniga u gudbiyaan meel lagu ilaalin karaa maxbuuskaas.

GAROWEONLINE kala soco wararka kasoo kordha xariga sarkaal u shaqeeya hay'ada IRC.

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM