Garowe: taliyihii saldhigga bari oo geeriyoodey, askari loo qabtay dilkiisa

Image

July 28, 2015 (GO)- Taliyihii saldhigga booliska dhanka bari ee degmada Garowe Siciid Bakistaan Bulshaale ayaa saaka u geeriyoodey dhaawac culus oo soo gaarey habeennimdii Axadda ee taariikhdu ku beegnayd July 26, 2015.

AHN Taliye Bakistaan oo isla saaka Garowe lagu aasay, wuxuu dhaawcmay kadib markii ciidamada boolisku isku dayeen inay kala dhex galaan qaar kamid ah dumarka qaadka iibiya oo dagaallamay.

Markii boolisku gaareen goobta si ay xaaladda u dejiyaan, ayaa waxaa rasaas ku furay askar la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka madaxtooyada oo halkaas ku qayilayey, kuwaasoo kasoo hor jeestey in boolisku qabqabtaan haweenka dagaallamay.

Dhaawac culus ayaa saableyda kasoo gaarey taliyaha, waxana lagu dabiibayey isbitaalka guud ee Garowe, halkaasoo goor hore oo saaka ahayd uu ku geeriyoodey.

Goobta shaqaaqadu ka dhacday oo ku taal Jidka Meeraysane, waxay masaafo aan badneyn u jirtaa Xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe, waxaana ku yaal suuq qaadka lagu gado. 


Askari ka tirsan ilaalada Madaxweyne Gaas oo loo soo qabtey dilka Taliye Bakistaan

Qoyska taliyha geeriyoodey ka dhashay ayaa markii hore diday inay aasaan ilaa la keeno ninkii diley, balse mar dambe ayaa la aasay kadib markii  dowladdu soo wareejisey eedaysanaha, waxaana si toos ah loogu gudbiyey xabsiga dhexe ee Garowe.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay, in eedaysanaha oo lagu magacaabo Saleebaan uu ka tirsan yahay unugta gudaha madaxtooyada ee ilaalada khaaska u ah Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatey in ninka ku eedeysan dilka Taliye Siciid Bakistaan horay uga tirsanaan jirey kooxihii burcad-badeedka, kuna soo biiray ilaalada mudane Gaas xilligii uu murashaxa ahaa.

Fowdada iyo nidaam darrada ciidamadu sameynayaan, ayaa halis ku ah sumcadda magaalo madaxda Puntland ee Garowe maadaama ay safka hore kaga jirto magaalooyinka ugu xasilloon guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM