Garowe: wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland oo xilka wareejiyey

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland  Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejiyey.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta  Wasaaradda ee Garowe, waxaana xilka si kumeel gaar ah ula wareegey wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax, maadama wasiirka cusub ee dhowaan xilkaas loo soo magacaabay weli dalka soo gaarin.

Cali Xaaji Warsame ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu wasiirka ahaa, isagoo xusay inay ugu muhiimsan yihiin: dib u eegista hannaanka shaqo ee Wasaaradda, manhajka waxbarashada, xoojinta tababarrada macalimiinta iyo baahinta shaqooyinka Waasaradda.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada DR.Maxamed Cali Faarax oo xilka si kumeel gaar  ah ula wareegay ayaa dhankiisa sheegay in Cali Xaaji wax la taaban karo wasaradda kusoo kordhiyay.

Cali Xaaji ayaa kamid ahaa sagaal wasiir oo xilalkooda waayey kadib isku-shaandheyn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Inta badan wasiirrada cusub ayaa xilalkooda la wareegey, waxaase weli dhiman Wasiirkii Caafimaadka oo la sugayo in uu maalmaha soo socda Garowe soo gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM