GAROWE: wasiirro xilalka wareejiyey

Image

June 21, 2015 (GO)- Qaar kamid ha wasiirradii dhowaan xilalka laga qaaday ayaa maanta xilka ku wareejiyey wasiirrada cusub ee lagu soo bedeley.

Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Mudane Cali Axmed Faatax ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Wasiiirka Cusub Shire Xaaji Faarax.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ugu horreyn ka hadlay Mudane Faatax oo ka sheekeeyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayaey, wuxuu sidoo kale guul u rajeeyey wasiirka cusub.

Dhanka kale, Shire Xaaji Faarax ayaa isna uga mahadceliyey wasirkii hore sida hufan ee uu xilka ugu wareejiyey, wuxuuna sheegay in uu shaqada Wasaaradda Qorsheynta sii dardar gelin doono.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Amniga, wuxuu si rasmi ah xilka ugala wareegey wasiirkii hore, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Qarjab ayaa sheegay in xilka Wasiirka Amnigu yahay xil culus, wuxuuna ka codsaday ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee wasraadda beeraha iyo waraabka Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa isna maanta la wareegay xilka. Si taas lamid ah waxaa isna xilka ula wareegay, Wasiirka Cusub ee Xannaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM