GAROWE: wasiirro xilalka wareejiyey

Image

June 21, 2015 (GO)- Qaar kamid ha wasiirradii dhowaan xilalka laga qaaday ayaa maanta xilka ku wareejiyey wasiirrada cusub ee lagu soo bedeley.

Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Mudane Cali Axmed Faatax ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Wasiiirka Cusub Shire Xaaji Faarax.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ugu horreyn ka hadlay Mudane Faatax oo ka sheekeeyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayaey, wuxuu sidoo kale guul u rajeeyey wasiirka cusub.

Dhanka kale, Shire Xaaji Faarax ayaa isna uga mahadceliyey wasirkii hore sida hufan ee uu xilka ugu wareejiyey, wuxuuna sheegay in uu shaqada Wasaaradda Qorsheynta sii dardar gelin doono.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Amniga, wuxuu si rasmi ah xilka ugala wareegey wasiirkii hore, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Qarjab ayaa sheegay in xilka Wasiirka Amnigu yahay xil culus, wuxuuna ka codsaday ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee wasraadda beeraha iyo waraabka Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa isna maanta la wareegay xilka. Si taas lamid ah waxaa isna xilka ula wareegay, Wasiirka Cusub ee Xannaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM