Gen. Muxiyaddiin oo si diirran Garowe loogu soo dhoweeyey [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

July 15, 2015 (GO)- Taliye Ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi-yare ayaa goor dhow magaalada Garowe soo gaarey.

Boqollaal dadweyne ah ayaa saraakiishan kusoo dhoweeyey tuulada 22aad, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey labada guri ee ay magaalada Garowe ka deggen yihiin.

Gen. Muxiyadiin oo si kooban war-baahinta ula hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta isaga iyo Cabdi-yare xilligan Garowe u yimaadeen.

Wuxuuna sheegay inay soo ajiibeen codsi uga yimid isimmada Puntland, Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubaland, codsigaas oo ku aaddanaa inay Garowe soo galaan, si loo sii ambaqaado dadaallada nabadeynta ee todobaadyadii lasoo dhaafay socdey.

Mar la weydiiyey su'aal ahayd "Makuu qorsheysan tahay inaad la kulanto Madaxweyne Gaas?" Wuxuu ku jawaabay 

"kolley hadda qorshaha taasi kuma jirto, laakiin waa suurogal inaan is aragno"

Su'aaal kale oo ahayd "Garowe masii joogeysaan mise dib ayaad u noqoneysaan?" Wuxuu iyadana kaga jawaabay

"taas hadda kama hor dhici karo...inaan joogno ama dib u laabano waxay ku xiran tahay waxa ka soo baxa kulanka aan la qaadan doonno madaxda iyo isimmada"

Muddo labo bilood ku dhow waxaa deegaanka Qarxis ku sugan ciidamo boqollaal gaaraya oo sida ay sheegeen ka gadoodey xuquuq la'aan. Ciidankan waxaa hoggaaminaya Taliye Ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi-yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM