Gen. Muxiyadiin iyo Col. Cabdiyare oo Garowe kusoo wajahan

Image

July 15, 2015 (GO)- Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Col. Cabdiyare ayaa lagu wadaa inay galabta magaalada Garowe soo gaaraan.

Labada sarkaal waxaa u yeeray Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis.

Diyaargarowe xooggan oo ku aaddan sidii saraakiishan loo soo dhoweyn lahaaa ayaa xilligan magaalada Garowe ka socda.

Waxaa la qorsheynayaa kulan balaaran oo khilaafkaan lagu xalinayo maalinta berri ah lagu qabanayo aqlaka Islaan Ciise Maxamad Islaan.

kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galaya Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxweynaha maamulka jubaland iyo labada Issim ee ree Nugaal.

Garowe Online kala soco wararka kasoo kordha kulankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM