Cabdi Qaybdiid oo dagaal ku baaqay

Image

Jimce, September 2014 (GO)- Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan diyaaradii danbe ee kasoo degata garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Hadalkan ayuu u jeediyay dadwayne maanta kusoo dhaweeyay magalada Gaalkacyo, wuxuna sheegay inay shalay amreen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse maanta ay diyaarad qaad kasoo degatay.

Dhawaaqa Cawaale ayaa kusoo aadaya kadib markii ay shir xasaasi ah maanta ku yeesheen aqalka madaxtooyada madaxwaynaha, wasiiradiisa iyo saraakiisha ammaanku, kulankaas oo looga arrinsaday xaalada gobolka Mudug iyo hanjabaada kasoo yeeraysa Galmudug, qoraal kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jiran hadal uu maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyay Cabdi Qaybdiid.

Marka laga tago hadalka Qaybdiid waxaa Gaalkacayo laga dareemayaa xiisad colaadeed maadama Galmudug ay sheegtay inay weerari doono garoonka Cabdilaahi Yuusuf haddii ay diyaarad kasoo degto halka Puntland-na sheegtay inaysan jirin cid hor istaagi karta garoonkeeda.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inay caawa ciidamo ka baxeen magaalada Garowe kuwaasoo xoojinaya ciidamo kale oo heegaan la galiyay.

Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasirka Duulista Hawada ayaa gaaray galinkii danbe ee maanta Gaalkacyo, waxayna kulamo gaar gaar ah la leeyihiin mamulka gobolka Mudug, kan degmada iyo Odayaasha dhaqanka.

Ma jirto xal laga gaaray ilaa iyo hadda xiisada laga dareemayo magaalada, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM