General Jimcaale oo soo dhaweeyay mudanyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada

Image
Generalka ayaa xaqiijiyay in uu ku kalsoon-yahayin baarlamaanka 6-aad ay badbaadin doonaan Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Kumaandoosta Danab Puntland General Jimcaale Jaamac Takar ayaa fariin adag u diray Wakiilada cusub ee Baarlamanka Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay in shacabka Puntland ay ka dhursugayaan isbedel ka dhaca dalka.

Waxaan xusuustaa in dalka uu soo maray khilaaf iyo marxalado adag, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, isagoo u rajeeyay inaysan la mid noqon kii shanaad.

"Madaxweynihii hore ma ahayn nin nabadeed, balse dhowr dhibaato ayuu dalka ka abuuray, sidaas darteed shacabka Puntland waxay ka sugayaan baarlamanka 6-aad isbedel dhab ah oo farxad geliya." ayuu yiri Jeneraalka.

Jeneraalka ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka 6-aad uu ku kalsoon-yahay in ay badbaadin doonaan Puntland, isla markaana aysan wax dagaal ah ku xalin doonin khilaafaadyada siyaasadeed sida baarlamaanka 5-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM