Go'aamo ka soo baxey kulan ka socday Madaxtooyada Puntland

Image
Image
Image
Image

Garowe [ GAROWE ONLINE]- Kulankii wada-tashi ee Madaxtooyada Garowe uga socday xubno ka tirsan Barlamanka Federaalka iyo dowlada Puntland kaasoo looga hadlayey xiriir joojinta soo noqnoqatey iyo sababhi keeney ayaa waxaa kasoo baxey go'aamo.

Dowlada Puntland ee Madaxweyne Cabdi-weli Cali Gaas Madaxweynaha ka yahay ayaa sheegetey i31 July,2014 in xiriirka u jartey dowlada Federaalka Somalia.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa xukuumadiisa u jartey xiriirka dowladda Federaalka kadib markii xadgudub ku sameeyeen Dastuurka balse waxaa shuruud la'aan kusoo celiyey xukuumada Madaxweyne Cabdiweli.

Kulankaan ayaa waxaa uu yimid maalmo kadib markii madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key kulamo la qaatey madaxda dowlada Puntland iyo Issimada intooda ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Qodabada kasoo baxey kulankaan wadatashi ayaa waxaa kamid ahaa;

1- Dowladda Puntland iyo mudanayaasha Barlamanka waxey isla garteen in tabashooyinka iyo eedeymaha Puntland ka tirsaneyso dowladda Federaalka yihiin kuwa jira oo leh cadeymo dhab ah.

2- Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia waxay ka codsadeen dowlada Puntland iney bixiso fursad wadahadal muddo 30 berri gudahood ah laga bilaabo 20/8/2014, dowladda Puntland way ogolaatey codsigaas balse waxaa shardi ah in wadahadalkaas goob joog ka noqdaan beesha caalamku madaama heshiisyadii hore ee dowlada Federaalka iyo dowlada Puntland waxba ka hirgalin.

Halkaan hoose ka akriso qoralakaan oo dhameystiran.

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM