​Go'aamo kasoo baxay Shirka degmooyinka gobolka Nugal

Image

GAROWE- Kulan labo bari u socday maamulka gobolka Nugal iyo xubno matalayay maamulka degmooyinka gobolkaasi ka koobanyahay ayaa looga dooday lix qodob oo kala ahaa;

1-Warbixin guud iyo xog is dhaafsi

2-Xaaladda amniga ee degmada walba

3-Xaaladda abaaraha

4-Tayaynta maamulka, xiriirka iyo wadashayqa

5-Soo saarista baaqyo iyo go'aamo

6-Iyo soo saarista qorshaha bilaha soo socda , wuxuuna soo xirmay maanta [Axad 10 April, 2016] iyadoo laga soo saaray dhowr qodob.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi ayaa Radio Garowe uga waramay waxyaabaha kasoo baxay shirkaasi isagoo tilmaamay in la isla gartay qaabkii loo adkayn lahaa nabad galyada islamarkaana loo samayn lahaa kulamo joogta ah oo looga waramayo  xaaladaha soo kordha.

Wuxuu sheegay in kulanka lagu gaaray qaabkii loo samayn lahaa ciidamo amniga ka qayb qaata oo loo sameeyo degmooyinka Garowe iyo Burtinle, wuxuuna tilmaamay in ciidamadaasi sumad, magaca iyo tababar gooni ah la siin doono isagoo doorkooda ku sheegay inay gacan siinayaan laama ammaanka kana qayb qaadanayaan la dagaallanka argagixisada.

Cumar Cabdullaahi, ayaa sidoo kale xusay in la isla qaaday qaabkii loo samayn lahaa qaylo dhaan iyo biyo dhaamis xooggan maadama gobolka ka jirto abaar xooggan, wuxuuna intaasi raacshay inay xiriir deg deg ah la samayn doonaan hay'adaha arrintaasi qaabilsan.

Qodobada kale oo la isla qaatay, waxaa kamid ah in labaahiyo maamulka islamarkaana waxaa lagu go'aamada soo baxay in degmooyinku xukumaan talisyada qaybta iyadoo gudoomiyuhu cadeeyay in kor loo qaado kala warqaadasha laamaha ammaanka iyo mas'uuliyiinta heer degmo isagoo xusay in dhammaantood looga fadhiyo qaabkii usoo gudbin lahaayeen xogaha jira, si maamulka gobolkuna ugu sii  gudbiyo wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Puntland.

Uga dambayn waxaa maamulka gobolka iyo degmooyinka Nugal ugu baaqeen culimaa'udiinka, ganacsatada iyo qurba joogtuba inay gacan ka gaystaan abaaraha ka taagan degmooyinka Garowe, Burtinle, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan.

Shirkan ayaa ujeedka loo qabtay lagu sheegay xaaladaha soo kordhay gaar ahaan kuwa ammaanka, wuxuuna kusoo beegmay xilli dhawaan koox katirsan Shabaab lagula dagaallamay gobolka Nugal gaar ahaan degmooyinka Dangoroyo iyo Godob-jiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM