Gogol Nabadeed oo la dhigay deegaanka Qorilay gobolka Sool [Dhagayso]

Image

08 Octobar, 2015(GO)-Waxgarad ka socda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan deegaanka dhawaan colaaddu ka dhacday ee Qorilay oo ka furmayo shir looga wadahadlayo dhibkii dhacay.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimada Puntland oo la hadlay Radio Garowe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhammaaynta colaada u dhaxaysa laba beelood oo wada daga Puntland, waxaana uu sheegay  in Qorilay ku suganyihiin waxgarad kale.

Wafdiga isimadda Puntland ayaa, weli gaarin deegaanka sababo la xiriira jidka oo Roob xiray, waxaana Suldaanku sheegay in labada beelood ogolaadeen nabadda.

Bulshada qaybahooda kala duwan ayuu u soo jeediyay inay ka qayb qaataan sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah.

Garaase, ayaa tilmaamay in gogasha nabadeed loo dhigay dadka ka soo jeeda deeganada Qorilay iyo Magaclay oo dhawaan dirir dhexmartay sababtay dhimashada ku dhawaad 20 ruux.

Waa markii ugu horaysay waxgarad intaa le'eg tagaan deegaankaasi, maadama colaadda labada beelood aysan ahayn markii ugu horraysay oo soo jiitamaysay muddo ku dhow 10 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM