Golaha deegaanka Galkacayo oo qarka u saaran in la kala diro

Image

August 16, 2016 (GO)- Khilaaf ayaa ka dhex aloosan xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo. Khilaafka oo si weyn usoo shaac baxay todobaadyadii u dambeeyey islamarkaana horseeday in shaqadii maamulka degmadu gaabis noqoto, wuxuu qayb ka ahaa sababihii soo dedejiyey safarka Madaxweyne Gaas ku tegey magaalada Gaalkacayo.

Warar aan sugneyn oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in xilka laga qaadi doono duqa degmada Gaalkacayo, halka warar kale xusayaan in Madaxweynuhu qorsheynayo kala dirista golaha deegaanka ee Gaalkacayo.

Ku-xigeenkii hore ee duqa degmada Galkacayo Yacquub Maaxmed Cabdallah ayaa is casiley May 3, 2015. Sababta uu isku casiley wuxuu ku sheegay in golaha deegaanku ku fashilmey gudashada waajibaadkiisa.

Golaha deegaanka Galkacayo oo ka kooban 27 xubnood, waxaa la dhisay April 2014. 


Gaas oo amray in laga guuro dhismeyaasha dowladda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli degmada Gaalkacayo ku sugan ayaa soo saarey wareegto uu ku amrayo in laga guuro dhismaayaasha dowladda ee sida sharci darrada ah loo degen yahay.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha ay khuseyso in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan, waxaana dadka loo qabtey muddo bil ah si ay meel kale ugu guuraan

Boqollaal kamid ah dadweynaha Gaalkacayo ku nool ayaa deggen guryo iyo dhul ay lahaan jirtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM