Golaha Wakiilada Puntland oo guddi u magacaabay shiqaaqadii Sheerbi

Image

Sheerbi, Soomaaliya - Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta ka hadlay shiqaaqadii ka dhacay deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar iyo khasaaraha ka dhashay iyo dadaallada la sameeyay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay in arrintaas xasillinteeda uu qeyb uga qaato golaha, waxa ayna ku dhawaaqeen guddi ka kooban 5 Xubnood oo ka shaqeeya xalinta khilaafka.

Guddiga lagu dhawaaqay ayaa ka kooban mudanayaashan:

1. Xil. Mursal Maxamuud Cabdi
2. Xil. Ismaaciil Saleebaan Geelle
3. Xil. Xuseen Axmed Nuur
4. Xil. Maxamed Cali Subeyr
5- Xil. Maxamuud Dhakuul Xirsi

قد تكون صورة ‏نص‏

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM