Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyey

Image

Golihii Wasiirada Puntland ee uu maanta magaacabay Madaxweyne Gaas ayaa galabta lagu dhaariyey xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Dhaarta Wasiirada cusub waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey, oo la dardaarmayay Wasiirada cusub.

Wasiirada aanan arkin ee dhaarta ka maaqnaa waa illaa lix Wasiir oo afar safar dibeda ah jirto, Labada Wasiir ee Garoowe Jooga oo aan dhaarta iman ayaa kala ah Cabdi Xirsi Qarjab  oo loo magaacabay Wasiirka Warfaafinta iyo Axmed Karaash oo loo magacaabay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada.

Golaha Wasiirada ee cusub ee maanta lagu dhawaaqay waa 53 Wasiir oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir ku xigeeno. 4 ayaa dumar ka ah Golaha.

Jaamac Deprani 

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM