Golaha wasiirada Puntland oo ansaxiyey heshiis horumarineed [ AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Kulanka Khamiista ee Golaha wasiirada Puntland ayaa maanta lagu ansaxiyey heshiis hurumarineed uu Madaxweynaha Puntland dhowaan ku soo galay dalka Ethiopia.

Heshiiskaan oo shirkad laga leeyahay dalka China ku qabaneyso Mashariic horumarined kuwasoo ka kooban wadooyin iyo garoon diyaaradeed ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in cod aqlabiyad ah Golaha wasiirada ku ansaxiyey qaybaha uu ka kooban yahay.

Heshiiskaan ayaa shirkadaan oo horey Mashruuca dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso u fulisay ayaa ka koobnaan doona wado Laami ah ee isku xirta magaaloyinka Garowe Eyl iyo garoon diyaradeed ay yeelan doonto magalada Galkacayo.

Dhinaca kale shirkadaan ayaa sahmin shidaalka ah ka sameyneysa dhulka Puntland.

Shirkada fulin doonta mashaariicdaan CCECC (China Civil Engineering Construction Corp) taasoo laga leeyahay China ayaa dhistey dekada dalka Jabuuti halka mashaariic kale ka wado wadanka Ethiopia.

AKHRI WARSAXAFADEEDKA GOLAHA WASIIRADA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM