Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image
Image
Image
Image

November 27, 2014 (GO)- Golaha Wasiirrada Puntland ayaa kulankooda Khamiislaha ah todobaadkan diiradda ku saaray arimo ay kamid yihiin xaaladaha ammaanka, go'aanadii kasoo baxay shirkii Copenhagen iyo xeerka guddiga doorashooyinka.

Kulanka oo Madaxweyne ku-xigeenku shir guddoominayey waxaa ugu horeyn looga doodey xeerka guddiga doorashooyinka, xeerkaas oo dood dheer kadib Golaha Wasiirradu meel mariyeen islamarkaana noqonaya kii ugu horeeyey ee xukuumadda Cabdiweli Gaas ansixiso tobankii bilood ee ay jirtey.

Intaas kadib wuxuu Goluhu warbixino ka dhegeystey Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Alloore iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax.

Wasiir Aloore ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee ammaanka Puntland isagoo sheegay in ammaanku wanaagsan yahay laguna guuleystey in laga hortago isku dayo badan oo la doonayey in ammaanka Puntland lagu waxyeeleeyo.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax oo hogaaminayey wafdigii Puntland uga qayb galay shirkii ka dhacay magaalada Copenhagen ee  looga hadlayey barnaamijka hiigsiga cusub ayaa Golaha warbixin ka siiyey go'aamadii kasoo baxay shirkaas iyo weliba ajendayaashii ay Puntland kaga qayb gashay.

Golaha xukuumadda ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka koobam 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal waxay si joogto ah todobaad walba u kulmaan maalinta Khamiista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM