Golaha wasiirada Puntland oo asbucii 9aad kulan isugu imaaan

Image

8 October, 2015 (GO)- Waxaa Asbucii 9aad aan fadhi isugu imaan golaha wasiiraada Puntland kuwaasoo Khamaiis walba isugu imaan jirey kulan lagu qaban jirey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo asbuucaan safar ugu maqan wadanka Kenya ayaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa ku sugan ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulahi Cumar Camey.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku guuldareystey inuu kulmiye golaha wasiirada kuwasoo la sheegey in intooda badan ku sugan tahay magaalo madaxda Garowe.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa isugu dhinaciisa amar ku siin golihiisa xukuumada kuwooda aan shaqada ku maqneyn  taasoo ay u muuqato inuusan dooneyn in golaha wasiirada fariistaan isaga oo ka maqan magaalo madaxda.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo Puntland maalinta Sabtida isaga oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Maqnaanshaha kulanka golaha xukuumada Puntland muddo 9 asbuuc ah ayaa dadka la socda xaalada siyaasdeed ee Puntland u arkaan mid muujineysa sida hay'ada dowliga u noqdeen kuwa ka gabashey shaqadii looga baahna iney u qabtaan shacabka. 

Warsidaha Garowe Online ayaa baahiyey dhamaan shirarka golaha xukuumada ee baaqdey 9-kii Asbuuc ee lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM