Golaha Wasiiradda Puntland oo meelmariyey xeer muhiim ah

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyey Shirka 23-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash,

Xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda ayaa kulanka looga hadlay.

Golaha ayaa ka dooday kadibna ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay Gobolka Karkaar lana hoosgeeyay Gobolka Bari.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda, oo todobaadkii hore ay Madaxtooyadu usoo gudbisay Golaha.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ansixiyey Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud oo todobaadkii hore Golaha loo qeybiyey, maantana laga dooday.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM