Golaha Wasiirrada PL oo ansixiyey xeerka sahaminta deegaanka

Image

February 12, 2015 (GO)- Golaha Wasiirada Dowlada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa meel mariyey xeerka sahaminta deegaanada Puntland.

Xeerkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Puntland yeelato wuxuu qeexayaa qaabka loola socon karo islamarkaana wax looga qaban karo is-bedellada dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn ee ku dhaca deegaanka.

Shirka Golaha Wasiirada oo Madaxweyne ku-xigeenku shir guddoominayey, waxaa sidoo kale warbixino looga dhegeystey wasiiro ku jirey wafdigii Puntland ee todobaadkii hore magaalada Muqdisho tegey.

Golaha ayaa ka doodey qaabka ugu haboon ee Puntland ugu diyaar garoobi karto marti gelinta wejiga labaad ee shirka wada-tashiga kaasoo wejigiisii koowaad todobaadkii hore magaalada Muqdisho ku qabsoomey.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystey gudiyada dhaqaalaha iyo ammaanka iyadoo si weyn loo gorfeeyey ammaanka soo xumaanaya ee magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM