Golaha Wasiirrada PL oo ka shirey amniga iyo dhaqaalaha

Image

February 19, 2015 (GO)- Golaha Wasiirrada Dowlada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka doodey arrimo badan oo amniga iyo dhaqaaluhu ugu muhiimsanaayeen.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo kulanka shir guddoominayey ayaa ka warbixiyey safarkii uu dhowaan dalka Ethiopia ku tegey. Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagey arrimihii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalkaas uu kala soo hadley.

Xubnaha golaha ayaa dhanka kale si qoto dheer u gorfeeyey qaabka ugu habboon ee ammaanka deegaanada Puntland loo sugi karo. Qodobada kale ee kulanka todobaadkan looga wada hadlay waxaa kamid ahaa ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo dhowaan dalka dibaddiisa tababar loogu qaadayo iyo halka uu marayo hirgelinta kastamka Tuur-dibi.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystey madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo dhowaan hirgelisey rugta dayactirka gaadiidka dowladda, waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo guddiga dib-u-eegista dhaqaalaha iyo shaqaalaha dowladda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM