Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyey siyaasadda naafada
January 29, 2015 (GO)- Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulanka shir guddoomiyey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Arimihii ugu muhiimsanaa ee kulanka todobaadkan diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa: ammaanka, shirkii ku saabsanaa New Deal-ka ee Garowe ka dhacay, ansixinta siyaasadda naafada, kastamka laga hirgeliyey xuduudka Puntland iyo Ethiopia iyo weliba warbixino laga dhegeystey guddiga tirakoobka shaqaalaha dowlada.
GAROWE ONLINE