Gollaha Wakiiladda Puntland oo laalay heshiis caalami ah

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiillada ayaa fadhigii shalay ku yeeshay Garowe uga dhawaaqay inuu laalay heshiis isafgarad ah, oo ay Puntland qeyb ka ahayd, oo maxaabiis burcad-badeed ah looga soo wareejiyay Seychelles.

Dawladda Federaalka, Midowga Yurub, deeq-bixiyaasha Caalamiga, Seychelles iyo Puntland ayaa ku heshiiyay 15-kii March, 2011 in burcad-badeeda la xukumay loo soo dhaweeyay qoysaskooda iyo eheladooda, iyagoo loo soo wareejiyay xabsiyo looga dhisay Puntland.

Baarlamaanka ayaa go'aamiyay in xabsiyadda laga sii daayo maxaabiista burcad-badeeda, kadib markii uu warbixin ka dhageystey Wasiirka Cadaaladda, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Puntland.

Fadhiga waxaa xaadir ku ahaa 37 mudane, oo 33 kamida ay cod gacan-taag ah ku taageeray in la laalo heshiiska, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka 1 ka aamusay, waxaana go'aanka ku dhawaaqay gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Gollaha Wakiiladda ayaa sidoo kale sheegay in fulinta go'aanka loo xil-saarey gudi Xildhibaanno ah. Xukuumadda wali kama aysan hadlin qaraarka Baarlamaanka, oo u baahnaan doono inay dhinacyadii ku jiray heshiis maxaabiistii loogu heynayo Puntland inay isku raacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM