Gollaha Wakiiladda Puntland oo laalay heshiis caalami ah

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiillada ayaa fadhigii shalay ku yeeshay Garowe uga dhawaaqay inuu laalay heshiis isafgarad ah, oo ay Puntland qeyb ka ahayd, oo maxaabiis burcad-badeed ah looga soo wareejiyay Seychelles.

Dawladda Federaalka, Midowga Yurub, deeq-bixiyaasha Caalamiga, Seychelles iyo Puntland ayaa ku heshiiyay 15-kii March, 2011 in burcad-badeeda la xukumay loo soo dhaweeyay qoysaskooda iyo eheladooda, iyagoo loo soo wareejiyay xabsiyo looga dhisay Puntland.

Baarlamaanka ayaa go'aamiyay in xabsiyadda laga sii daayo maxaabiista burcad-badeeda, kadib markii uu warbixin ka dhageystey Wasiirka Cadaaladda, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Puntland.

Fadhiga waxaa xaadir ku ahaa 37 mudane, oo 33 kamida ay cod gacan-taag ah ku taageeray in la laalo heshiiska, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka 1 ka aamusay, waxaana go'aanka ku dhawaaqay gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Gollaha Wakiiladda ayaa sidoo kale sheegay in fulinta go'aanka loo xil-saarey gudi Xildhibaanno ah. Xukuumadda wali kama aysan hadlin qaraarka Baarlamaanka, oo u baahnaan doono inay dhinacyadii ku jiray heshiis maxaabiistii loogu heynayo Puntland inay isku raacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM