Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Image

Garoowe, Talaado, 15 Luulyo 2025 – Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa fadhigii maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay aqbalaadda luminta xubinnimada Golaha ee Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Codbixinta Golaha ayaa u dhacday sidatan:

38 Xildhibaan ayaa oggolaaday
1 Xildhibaan ayaa diiday
4 Xildhibaan ayaa ka aamusay

Go’aankan ayaa ka dhigan in Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil si rasmi ah uga baxay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland, iyada oo aan la faahfaahin sababta rasmiga ah ee keentay luminta xubinnimada.

13-kii bishan, Xeerilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa amar bixiyey in la soo xiro Cabdirashid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Puntland.

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland iyo inuu ku xadgudbay qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S).

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in uu damacsanaa in gobolka Sanaag ka kaxeeyo ergooyin ka qaybgalka shirweynaha Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka Khaatumo.

Cabdirashid, oo sida la rumeysan yahay ka warqabay amarada lagu soo qabanayo, ayaa maanta inta aan la furin shirweynaha Laascaanood si lama filaan ah ugu dhawaaqay iska casilaaddiisa xildhibaanimo ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM