Gudomiyaha cusub ee Garowe oo xilka la wareegay

Image

30 Augusto, 2015(GO)-Duqa cusub ee degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise"Goodir" ayaa maanta xilka si rasmi ah ula waregay ka dib munasabad kooban oo lagu qabtey xarunta dowladda hoose ee degmada Garowe.

Xilwarejinta waxaa goob joog ka ahaa Masuliyiin ka socota wasaraddaha arimaha gudaha, Caafimaadka iyo xubnaha golaha deegaanka degmada Garowe.

Duqii KMG aha ee degmada Axmed Siciid Geelle"Shoodhe" ayaa sheegey inu la shaqeynayo gudoomiyaha cusub, balse waxa uu carabka ku dhuftey inuu ku sii jiri doono saaxadda siyasadda.

Xasan Maxamed Ciise"Goodir" ayaa tilmaamey inuu dardar galin doono shaqada dowladda hoose, waxqabadkiisa ayuu xusey inuu u dib dhigan doono xaflad uu ku tilmaamey Caleemo saarkiisa.

Dhawaan ayaa doorasho ka dhacdey Garowe waxaa ku guuleystay xilka Mayarka Garowe Xassan Goodir oo ka mid ah Ganacsatada magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM