Guddi loo magacaabay Aaska marxuum Axmed Dowlad

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dowlad].

Wasiirkii hore ee ammaanka dowladda Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Garowe, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Marxuumka oo aan la shaacin sababta keentay dhimashadiisa waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne Saciid Deni.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad)," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland State House.

Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah.

1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

Duugta marxuumka ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin heer federaal iyo kuwa ka tirsan Puntland si lamid ah martida Garowe u tagtay shirka Heritage.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM