Guddi loo saarey xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha bini'aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii ku dhufatay xeebaha Puntland iyo sidii ay UNOCHA iyo hay'adaha kale ula shaqayn lahaayeen guddigii loo magacaabay arrimahaasi.

Dhanka kale, Karaash ayaa magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood kuwaasoo ka shaqeynaya sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa shacabka ay waxyeeladda kasoo gaartey duufaanta Gati.

Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:-

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).

2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).

3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).

4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).

5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).

6-Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).

7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).

8- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).

9- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).

10-Cumar Xasan Fiqi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda (xubin).

11- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).

12- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay'ada HADMA (Xoghayn).

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, shan kalluumeysato Yeminiyiin ah ayaa ku naf-weysay roobabka dabaylaha watay, halka ay ku burbureen hanti kale oo isugu jirta guryo shacab iyo agab kale oo kalluumeysato adeegsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM