Guddiga doorashada Gollaha Wakiilada Puntland oo la magcaabay [Akhri magacyadda]

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Ku-meel gaarka ah ee Gollaha Wakiiladda Puntland, Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa soo saarey maanta oo Arbaco ku dhawaaqey Guddiga Doorashadda Guddoonka rasmiga ah ee Baarlamanka.

Guddiga doorashada ayaa ka kooban todobo Xildhibaan, kuwaasoo kala ah:

1 - Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile [Gudoomiye]

2 - Xildhibaan Cali Axmed Saalax

3 - Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Ciise 

4 - Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye

5 - Xildhibaan Fu'aad Axmed Abshir

6 - Xildhibaan Cawil Xasan Daad

7 - Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

Xildhibanada ayaa meel-mariyay Guddiga cusub ee maamuli doono doorashadda Gudoonka Gollaha Wakiiladda Puntland, taasoo la filayo inay dhacdo maalinta Jimcada ee soo aadan, 4ta January ee 2019.

Guddiga waxaa kala shaqeynaya doorashadda Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenkiisa labo mas'uul oo kale kuwaasoo lagu kala magacaabo, Xoghayaha Guud C/risaaq Xidig Warsame iyo C/qaadir C/raxmaan Maxamed, oo ah Xogyahaha Guddiga.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo todobaadkan, iyadoo 8-da bishan la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo xilkan ay u tartamayaan musharaxiin ka badan 20, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM